Wararka ay Dalsan Maanta ka heleyso Magaalada Ankara ee dalka turkiga ayaa waxa uu sheegayaa in dalka Soomaaliya dib loogu soo celin doono 10 ka mid ah dhaawacyadii loo qaaday dalkaas.
10 ruux oo ka mid ahaa dadkii waxyeelada xoogan ay ka soo gaartay qaraxii 14,kii Bishii Octoper ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirk Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxman Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in 10 kaan ay yihiin kuwa Caafimaaday isla markaana Munaasabad sagootin ah uu u sameeyay Wasiirka Caafimaadka dalkaasi Turkiga.
Warar aan la xaqiijin ayaa waxa ay sheegayan in dhaawacyada caafimaday ee Maanta dalka dib loogu soo celinayo uu ka mid yahay Wariye Cabduqaadir Ok oo ah Wakiilka Idaacadda Voa ee Muqdisho.
Wararka ay Dalsan heleyso ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in dadkaasi lix ka mid ah ay noqdeen naafo isla markaana aysan awoodin in ay socdaan
Sikastaba Maanta ayaa la filaya in 10 kaas Ruux iyaga oo caafimaad qaba laga soo dejiyo Groonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Hoos ka Akhriso Magacyada dadka la soo celinayo