Wararka Magaalada Hargeysa ka soo gaaraya Warqabadka Radio Dalsan ayaa sheegaya inuu iska casilay xilkii Wasiirkii shaqada iyo arrimaha Bulshada Maamulka la magac baxay Soomaaliland Maxamed Cabdullaahi Obsiiye.
Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay sababaha uu iskaga casilay xilkii uu ka hayay Maamulka Sooamaliland iyo xisbiga Kulmiye.
Weli macadeyn sababta uu xilkaas isaga casilay iyo waliba xisbiga Kulmiye oo ah kan talada hadda haaya balse waxa uu sheegay in uu Maalmaha soo socdo xisbi kale ku biiri doono.
Soomaaliland ayaa waxaa haatan ka socda olole loogu jiro doorashada oo la filayo in ay dhacdo 13 Bishaan iyada oo Masuuliyiinta Xisbiyada ay soo bandhigayaan ololahooda.