Inkastoo Shaqsiyaadka ku mideysan Madasha Wada-tashiga Qaranka yihiin Hoggaamiyayaal Is-magacaabay ayaa waxaa haddana la door-biday inay Hayinka u qabtaan Mustaqbalka Muwaadiniinta Soomaalida oo tiradodoa lagu qiyaasay ilaa 12 million oo qof.
Midowga Madaxda sare ee Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedyadda ayaa waxaa xubin ka ah Siyaasiyiin xilal sare ka haya Maamulka Federalka Qaranka iyo Maamul-gobaleedyadda, kuwaasi oo dejiyey Nidaamka Awood-qeybsiga Labada Aqal ee Barlamaanka iyo Doorashooyinka haatan ka socda dalka.
Madaxdaasi ayaa lagu tilmaami karaa Danley is-fahamsan, balse kala socda, waxaana laga dareemi karaa Is-xulufeysi Siyaasadeed (Mid Kooxeed iyo mid Beeleed).
Hoggaamiyayaashaasi waxay ku jiraan xarig-jiidka siyaasadeed iyo Ficilitan Mucaaradnimo oo aan mugdi ku jirin, waxayna taasi horseedi kartaa Fowdo cusub oo Siyaasadeed iyo inuu dalka dib ugu noqdo Xaalladii uu ku sugnaa Sannadihii 90-aadkii.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Muuqaalka Guud ee Masraxa Siyaasadda Somalia laga dheehan karo inuu dib u soo laba kaclaynayo Is-ficiltankii Beeleed ee la siyaasadeeyey, waxaana bilowday inay Siyaasiyiinta ka soo kala jeeda Beelaha ugu tunka weyn Somalia inay si aan gambasho lahayn isku mucaaraadaan.
Musharixiinta Madaxtinimadda ayaana ah Tusaalaha ugu nugul ee laga dheehan karo Ficiltanka Is-mucaaradka, waxayna inta badan Musharixiinta is-dhaafsadaan hadalo xanaf leh oo saamayn ku yeeshay Geeddi-socodka Nidaamka Doorashadda ee dalka.
Waa xaqiiqo inay jiraan Hoggaamiyayaal dabin-siyasaadeed maleegayo, kuwaasi oo ku dhaqmaya Falalka Qas-wadayaasha Siyaasadda Somalia.
Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha uu xilligoodu dhamaaday ayaa la qiri karaa inuu ka dhexeeyo Dagaal-siyaasadeed u muuqda inuu gaagaxay, waxayna taasi sii ololin karta Ololka Siyaasadeed ee ay Madaxda Puntland dhamacdeeda maleegayaan.
Madaxda Puntland ayaana ku caan baxday Mucaaradmimadda Qayaxan iyo Kala-furfurka Waxqabadka Dowladda Federalka, gaar ahaan xilligan xasaasiga ah.
Madaxda Puntland waxay ka biyo diideen in Koromka Xildhibaanadda Barlamaanka Cusub doortaan Guddoomiyaha Barlamaanka iyo tan Madaxweynenimadda oo ilaa 3 jeer dib loo dhigay.
Waxaa kaloo xaalladda ka sii dari kara Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha oo haatan Aragti ahaan is-khilaafsan .
Labada Mas’uul oo Musharixiin Madaxweyne ah ayaa waxa uu Khilaafkooda soo shaac baxay, xilli ay Musharixiinta ku jiraan Ololahooda Doorashadda, isla markaana la kala jiidanayo Codadka Xildhibaanadda Barlamaanka cusub.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Khilaafkaasi ka dambeeyaan Dowlado shisheeye, kuwaasi oo la rumeysan yahay inay Musharixiinta ku taageeraaan Dhaqaale iyo Siyaasad.
Si kastaba ha ahaatee, haddii uu Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka ka dhex jiro Khilaaf Siyaasadeed iyo mid Shaqsiyadeed waxaa adkaan doonta in la helo Xasilooni-Siyaasadeed iyo Jawi ay ku dhici karaan Doorasho Madax-bannaan oo Hufan, waayo waxaa haatan muuqda Isbahaysi Beeleed oo gurbaankiisa la tumayo, iyadoo ay Soomaalida horey ugu soo dhibaatootay xaalladaasi oo kale.
©Radio Dalsan