Raggaan ka tirsan Al-shabaab ayaa taliska xoogga dalka Soomaaliya waxa ay sheegeen in lagu soo qabtay Howlgalo ay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ka sameeyeen deegaano hoos yimaada Gobolada Shabellaha Hoose iyo Shabelllaha Dhexe
Ku dhawaad Shan iyo Toban ka Tirsan Al-shabaab ayaa lagu soo qabtay Howlgalka ay Ciidamada ka Fuliyeen Degaanada kala ah Daniga ,Basro,Jambaluul, Buulo Barwaaqo  iyo Beerta Shariif Cabdi Naasir sida ay Saraakiisha howlgalka wada sheegeen.
Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo La Hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in Howlgalka uu ahaa Mid Qorsheysan ayna Hogaaminayeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kuwa Mareykan ah
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Xusay Ragaan ka Tirsan Al-shabaab lagu soo qabtay Howlgal ay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ka Fuliyeen Labada Shabeelle.
Hoos Ka Daawo Sawirrada