Xarunta dowlada Hoose ee Xamar ayaa waxaa lagu qabtay kulanka Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo todobaadkii mar la qabto loogana hadlo horumarinta Caasimadda.
Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish, isla markaana waxaa kasoo qeyb galay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo xubnaha maamulka Gobolka.
Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid ahaayeen kubcinta dhaqaalaha, sugida amniga Caasimadda, Nadaafada, Canshuuraha iyo Caafimaadka iyo dardargelinta Horumarinta Caasimadda.
Sidoo kale Madaxdii ka qeyb gashay kulanka ayaa ka hadlay dib-udhiska wadooyinka, xoojinta howlgalada Nadaafad ee ka socda waddooyinka Caasimadda, kadib markii laga qaaday biyihii roobabkii ka da’ay Magaalada iyo arimakale oo quseeya horumarinta.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday fulinta amar kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo ahaa in waddooyinka laga qaado biyo badan oo yaallay, kuwaasi oo maristooda gaadiidka iyo dadka shacab ah ay dhibaato xoogan ku qabeen.