Koonfur Galbeed oo magacaawday Mas’uuliyiin dhowr ah (Wareegto)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Abuukar Cabdi ayaa Agaasimeyaal dhowr ah u kala magacaabay degmooyin ka tirsan Koonfur Galbeed.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed Abuukar ayaa waxaa lagu magacaabay 8 Agaasime waaxeedyo ee dhul bixinta ee degmooyinka kala ah, Afgooye, Wanla-weyn, Marka, Baraawe, Baydhabo, Bardaale, Xudur iyo Ceelberde.

Dhammaan Agaasimeyaasha waaxda dhulalka ee la magacaabay ayaa waxaa la faray inay si toos ah u gutaan waajiibaadkooda shaqo ee idmaday, isla markaana ay la shaqeeyaan maamulada degmooyinkooda.

Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca is qab-qabsi la xiriira dhinaca dhulalka, waxaana Agaasimeyaasha la tilmaamay in loo magacaabay baahi jirta.

Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista ah ee Wasiir Maxamed Abuukar.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media