Ma jirto qasaaro lasoo wariyay, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa Xarakadda Al Shabab ay xalay ku dagaalameen nawaaxiga degmada Afgooye ee Gobolka Shabellada Hoose, ee koonfur ka xigtay magaaladda Mogadishu.
Dagaal culay ayeey dadka deeganku sheegeen in uu dhacay xalay, waxana la fahansanyahay in dagaalka uu yimid kadib markii ciidanka Al shabab ay weerareen ciidanka dowladda saldhiga ay ku leeyihiin duleedka degamadda.
Saraakiisha Dowladda oo aan la hadalnay ayeeysan noo suuragalin ay aan telfoonka ku helno, si aan wax badan uga weydiino khasaaraha dagaalka.
Xarakada Al shabab ayaa sheegtay in ay inkabada toban askeri oo ka tirsan ciidanka dowladda ay ku dileen dagaalkii xalay, balse ma jirto war ka madax banaan sheegashadooda.