Maanta oo Sabti ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu waday inuu Safar ugu ambabaxo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, hayeeshee waa uu baaqday.
Sababta uu u baaqday Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, qaraxaas saakay ka dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee Muqdisho, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo aad u badan.
War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu hogaamin doono howlaha gurmadka ah ee loo sameeynayo dadkii ku waxyeelloobay Qaraxii ka dhacay Muqdisho.
In ka badan 73-ruux ayaa ku geeriyooday qaraxii saakay, halka 53 qof kalena ay ku dhaawacmay, kuwaasi oo la dhigay Xarumaha Caafimaad eek u yaalla Magaalada Muqdisho.
Safiirka dowladda Turkiga ee u fadhiga Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa sheegay in qaraxii saakay ay uga dhinteen laba ruux oo u dhashay dowladda Turkiga, kuwaasi oo Isgoyska Ex-koontarool marayay xiliga uu qaraxa dhacayay.