Xildhibaan lagu doortay Magalada Baydhabo

Magalada Baydhabo ee Gobolka Baay waxaa Goordhow lagu soo geba gabeeyay doorashada Kursi ka banaanaa Golaha Shacbaka Soomaaliya ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee  Xildhibaan Khaliif  Sheekh Cabdullaahi (Dheere).

Doorashada ayaa waxaa ku tartamay musharixiinta kala ah, Cabdullaahi Sheekh Maxamed, Isaaq Khaliif Sheekh, Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Nuur  iyo Xasan Macalin Ibraahim .

Musharixiinta tartantay ayaa waxaa ay codadka u kala heleen sidatan.

1: Cabdullaahi Sheekh Maxamed oo helay 35 Cod

Isaaq Khaliif Sheekh  oo helay  4 Cod

3: Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Nuur   oo helay 2 Cod

Iyo Xasan Macalin Ibraahim   oo aan wax cod ah helin.

Hal Cod ayaa halaabay,waxaana sidoo kale Ergada wax dooraneysay ka maqnaa laba Xubnood,waxaana Guddiga doorashooyinka ay ku dhawaaqeen in Cabdullaahi Sheekh Maxamed uu ku guulesytay in uu ka mid noqdo Xildhibaanada Golaha Shacabka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor