Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Shirkada DP World ahna maareeyaha guud ee Shirkadaas, Sultan Ahmed Bin Suleyman.
Kulankaas oo salka ku hayey dardar-gelinta xiriirka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Somaliland iyo shirkada DP World, looguna gogol xaarayo furitaanka wejiga koowaad ee dhismaha dekeda Berbera oo dhammaaday dhawaana la furidoono, iyadoo lagaga wada hadlay sidii loogu gudbi lahaa wejiga labaad ee dhismaha ballaarinta Dekeda Berbera.
Kulanka ayaa waxaa sigaar ah looga hadlay Ganacsiga ku gadaaman isticmaalka dekeda Berbera, sida marin ganacsiyeedka wadada Berbera Corridor, madaama oo ay mari doonaan shixnado aad u tiro badan oo u socda dalka Itoobiya.
Sidoo kale waxa laga wada hadlay casriyeynta iyo hawl-fudaydinta kastamada Berbera iyo Tog-wajaale, allaabooyinka isaga gooshaya dekeda Berbera iyo dalalka geeska Afrika.
Kulankaas ayaa waxa madaxweyne Muuse Biixi ku wehelinaayey Wasiirada wasaaradaha Horumarinta Maaliyada, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, wasiir ku xigeenka ahna ku simaha wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, maareeyaha dekedaha Somaliland, Wakiilka Somaliland u qaabilsan Imaaraadka Carabta iyo xubno kale.