Sawirro:-Madaxweyne ku-xigeeka Jubbaland oo la kulmay Saraakiil ka tirsan AMISOM

Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Jubbaland oo ku sugan Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee ku sugan halkaas.

Kulanka uu la qaatay Maxamuud Sayid Aadan Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb ka ahaa Saraakiisha Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ee ka howlgala Degmada Ceel-waaq.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland ayaa Ciidanka Daraawiishta iyo kuwa AMISOM kala hadlay xaalada deegaanka iyo sidii loo kordhin lahaa qorshaha lagu sugayo amniga degmadaas iyo deegaanada hoostaga.

Waxaa kaloo uu kulan la qaatay Qeybaha kala duwan ee Bulshadda Ceelwaaq, isagoona ka hadlay hadlay sidii loo xaqiijin lahaa midnimada iyo xasiloonida dadka Jubbaland.

Mudane Maxamuud Sayid ayaa sheegay in uu tegayo dhammaan degmooyinka Gobolka Gedo halkaas oo uu kula kulmayo qaybaha kala duwan ee bulshadda iyo saraakiisha ciidanka Jubbaland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media