Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa la kulmay Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kate Foster.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa ugu horeyn soo dhaweeyey Safiiradda Boqortooyada Ingiriiska , isagoona kala hadlay sidii loo laba jibaari lahaa shaqooyinka ay ka haayaan deegaanadda Koonfur Galbeed
Sidoo kale Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa Marwo Kate Foster kala hadlay xaalada guud ee Soomaaliya ee xiligan ka jirtaa sida Doorashooyinka, Amniga iyo Hormarka Guud ee deegaanadda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kate Foster ayaa sheegtay in Koonfur Galbeed ay sii laba jibaaraayaan taageeradda ay ka siiso dhinaca Ciidamadda.