DFS, Bangiga Adduunka iyo Bahwadaagta Caalamka oo ka wada hadlay Barnaamijka Cusub ee Kaararka Aqoonsiga+Sawirro

Madaxa istaraatiijiyadda Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna u qeybsanaha Barnaamijka Kaarar Aqoonsiga ee digitaalka ah Mudane Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa magaalada Nayroobi kula kulmay saraakiil sare oo ka tirsan Bangiga Adduunka iyo bahwadaag kale oo dhanka horumarinta ka socday kuwaas oo ay ka wada hadleen barnaamijkan cusub ee ay hormuudka u tahay Dowladda Soomaaliya, ujeedkiisuna yahay sidii kaarar aqoonsi oo elektarooniga ah loogu sameyn lahaa dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Barnaamijka qaran ee aqoonsi u sameynta muwadiniinta Soomaaliyeed oo noqonaya kii ugu horeeyay ee nuuciisa ah ayuu ujeedku yahay hirgelinta barnaamij aas-aas u noqonaya sameynta kaarar aqoonsi oo laga heli karo xogta shaqsiga.

“Dowladda Soomaaliya waxay si dardar leh ugu howlantahay hirgelinta dhismaha nidaam u qaabeysan fulinta baahiyaha muwaadiniinteeda ee dhanka aqoonsiga”, ayuu yiri Dr. Nuur Diiriye Xirsi. “Si la mid ah taabbogelinta horumarkaas, waxaan u baahannahay inaan hubinno in muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dadka xaqa u leh la siiyo aqoonsi awood u siin doona helitaanka adeegyada muhiimka ah oo ay ku jiraan adeegyada kaalmooyinka gargaar iyo adeegga xawilaadda. Hirgelinta habkani cusub ee aqoonsi u sameynta muwadiniinta Soomaaliyeed wuxuu ka dhigan yahay wax ka qabashada aragtiyada caalamiga ah ee ka hortaga khataraha iyo fal dambiyeedka”.

Soomaaliya waligeed ma yeelanin nidaam lagu sameynayno aqoonsi digital ah oo ay helaan dhammaan muwaadiniinta iyo dadka kale ee degaanka ku ah Soomaaliya, inkasta oo nidaamyada aqoonsi ee aan elektrooniga ahayn ka shaqeynayn jiray Dowladdaha Hoose ka hor 1991.

Nidaamkan aqoonsiga cusubi wuxuu ujeedkiisu yahay in uu kor loo qaado xiriirka bulsho iyo qeybaha adeegayada bixiya iyadoo la adeegsanayo nidaamka elektarooniga ah ee lagu aqoonsan karo macaamiisha ee ay adeegsadaan shirkadaha maaliyadda. Waxay sidoo kale tani qeyb weyn ka qaadan doontaa fududeynta adeegyadda bulsho sida xawilaadaha oo si aan shuruud lahayn ugu ogolaan doona muwadiniinta isticmaalka aqoonsigooda, middaas oo wax weyn ka tari doonta ammaanka iyo dimuqraadiyeynta.

Dr. Fuursade wuxuu u sharraxay qaabka farsamo ee bahwadaagta dhanka horumarinta ay gacan uga geysan karaan nidaamkan, isagoo faahfaahiyay hannaanka loo hirgelin karo qorshahani sida kaabayaasha lagama marmaanka u ah sameynta aqoonsiga, sida qorshe sharci iyo nidaam, jadwalka fulinta iyo qiyaasaha miisaaniyadda ku baxaya hirgalinta nidaamkan. Waxa uu carabka ku adkeeyay in Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya uu ku talagalayo hirgalinta hay’ad cusub oo heer federaal ah midaas oo maareeyn doonta nidaamka aqoonsiga.

Dr Nuur ayaa sidoo faahfaahiyay heshiiskii Isfahamka ahaa (MoU) ee dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay hay’adda Diiwaangelinta Qaranka (NADRA) ee Pakistan. NADRA waxay soo bandhigtay khibrad ku aadan abuurista iyo hirgelinta barnaamijadda aqoonsiga ee waddamadda jilicsan ama kuwa ka soo baxaya dagaaladda, oo ay ku jiraan meelaha miyiga oo ay adagtahay si ay u gaaraan adeegyadda bulsho ee ay u baahan yihiin.

In kabadan 1.1 bilyan oo qof oo adduunka ku nool ayaan awoodin in ay caddeeyaan aqoonsigooda, ayna sidaa darteedna ku waayaan adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin daryeelka caafimaadka, xaquudooda daryeelka bulsho, waxbarashada iyo tageero maaliyadeed.

Dadka intooda badan waxay ku noolyihiin Afrika iyo Aasiya. In ka badan saddex dalool waa carruurta aan diiwaangashaneyn. Maamulka sare ee Bangiga Adduunka ayaa ahmiyad gaar ah oo istaraatijiyadeed saaray Horumarinta Aqoonsiga (ID4D) iyada oo Bangiga Adduunku uu ka tageero dhanka maaliyadda hay’adaha ku howlan sameynta aqoonsiyadda si loo xoojiyo afkaaraha caalamiga ah ee aqoonsi u sameynta muwadiniinta.

“Bangiga adduunka isagoo matalaya caalamka, kaalinta kaga aaddan tageeridda horumarinta aqoonsiga waxay lagama maarmaan u tahay hirgelinta qorshahani aas-aasiga ah dowlad dhisidda Soomaaliya, iyada oo duruufaha gaarka ee Soomaaliya la eegayo taageerada nidaamkan uu caalamku u hayo ayaa lagama marnaam ah in la hirgeliyo si loola jaan qaado adduunka intiisa kale” sidaasi waxaa yiri Dr. Fuursade.

Ugu dambeyntii, Dr. Fuursade iyo kooxdiisu waxay soo jeediyeen dowrka Bangiga Adduunka ee hirgelinta Barnaamijka Aqoonsiga Qaran ee Soomaaliya, oo ay ka mid tahay in Bangiga uu ka taageero Dowlad Fedaraalka Soomaaliya sidii la iskugu keeni lahaa bah wadaagta iyo daneeyeyaasha kale, iyo sidii tageero farsamo ay u heli lahayeen waaxda ku howlan mashruucan ee habeynta iyo fulinta nidaamka aqoonsiga ee NADRA.

Shirkan waxaa ka qeybgalay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Bangiga Adduunka, DFID, EU, Norway, Denmark iyo USAID.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor