Madaxweyne Bashaar Xaafid Al-asad ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in Wada-xaajoodka Nabadda ee ka furmi doono dalka Kazakhistan in looga arrnsado wax kasta, inkastoo uu tilmaamay inaysan kala caddayn cidda matali doonta Mucaaradka iyo xilliga la qabanayo Shirkaasi.
Hadalkan ayuu ku sheegay Wareysi uu siiyey Warbaahinta Faransiiska, taasi oo ay baahisay Wakaalladda Wararka Syria ee SANA.
Mar wax laga weydiiyey inuu diyaar u yahay in laga xaajoodo Xilkiisa Madaxweyne, waxa uu ku gaabsaday: “Haa, laakiin Booskayga waxa uu ku xiriirsan yahay Dastuurka”.
Waxa uu ku sii daray haddii ay Mucaaradka doonayaan in laga wada xaajoodo Xilkiisa inay waajib ku tahay iyaga inay ka xaajoodaan Dastuurka u degsan dalka Syria.
©Radio Dalsan