Magaaladda Jowhar, gaar ahaa xarunta doorashadda xubnaha aqalka hoose, waxaa caawa laga maqlayaa rasaas xoogan, oo ay is weedaarsanayaan ciidamadda ilaaladda xarunta iyo rag hubeysan.
Raga hubeysan ayaa la sheegayaa in ay daacad u yihiin, Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xasan Nuux.
Rasaasta ayaa waxaa ay bilaabatay, iyadoo la tirinayo codad-ka doorashadda, waxaana xog ay idaacadda Dalsan heyshay ay shegayaan in korantadda laga jaray xaruunta doorashadda.
Sidoo kale waxaa jira, dhimasho iyo dhaawac ka dhashay is rasaaseenta dhex martay ciidamada daacada u ah wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xasan Nuux iyo ciidamadda ilaaladda ka ah xarunta.
Caawa magaaladda waxaa ka taagan xaalad kacsanaan ah, waxaana dhinac walba ka dhaceysa rasaas.