Wasiirka Ganacsiga ee Maamul-gobaleedka K/Galbeed, C/llaahi Sheekh Xasan Cali oo Wareysi Khaas ah siiyey Radio Dalsan ayaa ka hadlay Loolanka Doorashadda, saadaalinta Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha cusub ee BFS iyo Mustaqbalka Meeqaamka Caasimadda Muqdisho.
Mar wax laga weydiiyey haddii Nidaamka Doorashadda lagu saleeyo Nidaamka Beelaha ee wax lagu qeybsado, waxa uu gaashaanka ku dhuftay arrintaasi, wuxuuna xusay inuusan jirin qoddob Dastuuri oo lagu asteeyey sida ay Beeluhu u kala leeyihiin Mansabka Hoggaaminta dalka.
Waxa uu tilmaamay inay Siyaasiyiinta Maamulka K/galbeed ayidsan yihiin inuu Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan mudan yahay inuu qabto Xilka Madaxweynaha, mana jiro qoddob ka xayirayo arrintaasi.
Mar wax laga weydiiyey Aragtidiisa ku aadan Murashixiinta Guddoomiyaha Golaha Shacbiga Qaranka ee aan ka soo jeedin Maamulka K/Galbeed, waxa uu si aan leexleexad lahayn carrabka ugu ballaariyey in Murashax kasta uu mudan yahay jagadaasi.
Waxaa kaloo wax laga weydiiyey Aqlabiyadda Xildhibaanadda Maamul-gobaleedyadda ka heleen Labada Gole ee Barlamaanka, wuxuuna xusay inay Maamulkiisa leeyihiin Miisaan mug leh, marka loo barbar dhigo guud ahaan Maamullada kale.
Mar wax laga weydiiyey Rajadda Murashixiinta u taagan xilka Madaxweynaha, gaar ahaan Murashaxa Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa uu ku nuuxnuuxsaday inuu yahay Murashax mudan Xilkaasi, balse aysan codeynaynin dadkii isaga dooran lahaa, waa sida uu hadalka u yiri.
Siyaasiga C/lalahi Sheekh Xasan waxa uu si mutuxan u mucaaraday Sii-hayaha Madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu ku tilmaamay inuusan mudnayn in mar kale loo soo doorto xilka Madaxweynenimo, waa sida uu hadalka u yiri.
“Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh dib loo soo doorto waxa uu ka shaqeyn doonaa in magaalladda Muqdisho laga raro Caasimadda Somalia , iyadoo la og yahay in dadka Reer Banaadir horey loo duudsiiyey saamiga ay ku lahaayeen Aqalka Sare ee Barlamaanka cusub” ayuu yiri Siyaasi C/llaahi Sheekh Xasan Cali.
Si kastaba ha ahaatee, Siyaasigaasi oo ka mid ah Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobalka Banaadir ayaa waxa uu ku caan baxay hal-adeegiisa uu ku mucaaradsan yahay Dowladda Federalka.
©Radio Dalsan