Dhallinyaro Somali oo sharci-darro ku joogtay Kenya oo qaarkood la xukumay, kuwa kalena la sii daayey.

Maxkamadda magaalladda Mandera ee W/bari dalkaasi ayaa la so otaagay 9 Dhallinyaro Somali ah, kuwaasi oo lagu soo oogay inay sharci la’aan ku joogeen magaalladaasi.

Afar ka mid ah Eedeysanayaasha  ayey Maxkamadda sii daysay, kadib, markii la sheegay inay tahay markii ugu horreysay oo lagu soo oogo Dembi.

Dadka laga sii daayey Maxkamadda Mandera ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay  Cabdi Maxamed Cabdulle, Cabdi Axmed Caddow iyo Maxamed Axmed Cabdulle.

Boliska Mandera ayaana lagu amray inay dadkaasi sida ugu dhaqsaha badan dib ugu celiyaan Somalia.

Maxkamadda waxaa kaloo la soo taagay Eedeysanayaasha kala ah Iftin Maxamed Salah, Xuseen Aadan Cabdi, Maxamed Xuseen Caddow, C/fataax Gaabow Ibraahim iyo Axmed C/llaahi C/raxmaan, kuwaasi oo lagu xukumay min 3 bilood oo Xabsi ah ama inuu qof kasta bixiyo ganaax lacageed oo dhan 10,000 oo Shillinka Kenya.

9-ka Eedeysane waxay Maxkamadda u sheegeen inay yihiin Shaqaale wada Gaari Dameer ka dhex shaqeeya Mandera iyo xuduudka Somalia.

Xigasho: Daily Nation

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor