Maamulka Puntland oo Amray Hirgelinta iyo fulinta Xeerka kufsiga

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa amray Hirgelinta iyo fulinta xeerka kofsiga, iyada oo la tixraacayo go’aankii kasoo baxay shirkii Golaha Xukuumadda ee Khamiistii oo taarikhdu ahayd April, 17, 2019.

Xeerka kufsiga fulintiisa iyo maarayntiisa ayaa waxaa horay loogu magacaabay Wasiiradda Wasaaraddaha Haweenka, Cadaaladda, Caafimaadka, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland, Taliyaha Ciidanka Danbi Baarista, Guddoomiyaha Guddiga Xuuqda Aadanaha iyo Guddiga Sare ee Garsoorka.

Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo tixraacaya Qodobka 37-aad ee lagu aas-aasay Guddiga gaarka ah ee fullinta iyo Maraynta arrimaha la xiriira danbiyada kufsiga si waafaqsan sharciga ayaa waxaa guddigaas lagu xoojiyey Madaxtooyada iyo Wasaaraddaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha.

Ugu dambeyntii Guddigan uu magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waxaa ay u xilsaaaran yihiin qodobada hoos ku qoron

  1. Hubinta iyo dabagalka fullinta xukumada kufsiga,
  2. Maareynta iyo u kuurgelidda arrimaha ku saabsan kufsiga,
  3. Baarista haddii ay jiraan waxyaalo dhiiri gelinaya ama cid ka danbeysa soo noqnoqoshada ficilka kufsiga ee dilku la socdo,
  4. Dib u eegista iyo ka talo bixinta awoodaha iyo hanaanka shaqo ee Hay’addaha ku shaqada leh arrimaha kufsiga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media