Nin ku qaraabin jirey magaca Siyaasi caan ah oo lagu xiray Kenya

Dembi-baarayaasha Boliska dalkaasi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigay Nin iska dhigi jirey Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo aqlabiyad ku dhex leh Barlamaanka Kenya.

Eedeysanaha la qabtay oo magaciisa lagu sheegay  James Ombui Oire waxa uu Barta Facebook u adeegsan jirey magaca Xildhibaankaasi, isagoo qaar ka mid ah Asxaabta Aadan Barre Ducaale ka urursaday lacago uu isaga oo iska dhigayey Xildhibaankaasi.

Mar uu Saxaafadda la hadlay Aadan Barre Ducaale waxa uu sheegay inuu Ninkaasi dadka been u sheegi jirey, isagoo adeegsanaya Barta uu ku leeyahay  Facebook-ga.

Eedeysnaha  waxa uu haatan ku xiran yahay Saldhigga Dhexe ee Boliska Nairobi, isagoo loo haysta inuu lacago ku helay isagoo magac been ah ku qaraaban jirey.

Dhacdadan ayaa timid hal bil kadib, markii ay 7 Eedeysane ay lacago ku heleen iyagoo iska dhigayey Madaxweynaha dalkaasi, Uhuru Kenyatta.

Waxaa la sheegay inay iyagoo iska dhigayey Madaxweyne Uhuru Kenyatta ay Telefoonka ka waceen Guddoomiyaha Hay’adda Samiir Afrika, Naushad Merali, kana dalbadeen inuu u soo fasaxo lacag dhan 10-million oo Shillinka dalkaasi.

Eedeysanayaashaasi waxaa magacyadooda lagu klaa sheegay: Joseph Waswa, Duncan Muchai, Isaac Wajekeche, William Simiyu, David Luganya, Gilbert Kirunja iyo Anthony Wafula.

Eedeysanayaashaasi waxaa loo haystaa inay sameeyeen been abuur ay ku kasbadeen lacago badan, iyagoo iska dhigi jirey Madaxweyne Uhuru iyo Saraakiil sarsare oo ka hawl-gala Aqalka Dowladda ee dalka Kenya.

Comments
Loading...