Xalay Saqdii ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandoosta Soomaaliya oo ay wehlinayeen ciidamo Mareykan ah waxa ay weerar ku qaadeen degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaas oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab,waxana weerarkaas ka hadlay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose.
Madaxmed Ibraahim Barre Guddoomiyaha Gobolka Shabeelleda hoose ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in uu Ciidanku ay bur-buriyeen goobihii ay Al-Shabaab kasoo abaabuli jireen weerarrada iyo qaraxyada oo ku yaalla isla Degmada Aw-dheegle.
“Tirada guud hadda ma hayno, laakiin Xalay markuu howl-galku dhacay illaa Afar meyd ah ayaa meesha yaallay, laakiinse tira ka badan ayaa jirta oo qaar xitaa lagu soo qabtay ayaa jira, dhaawacooda way la baxeen oo duurka ayay la galeen, ayuu yiri Guddoomiyaha Gbolka Shabeellaha Hoose.
Guddoomiyaha Shabeellada hoose ayaa intaa ku daray in ay dib kasoo sheegi doonaan tirada dhabta ah ee ay Ciidanku dileen iyo xubnaha ay soo qabteen, howl-galkaas xalay laga fuliyaya degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Marka laga soo tago hadalka Guddoomiyaha Shabeellaha hoose Al-Shabaab weli dhankooda kama hadlin weerarkaas xalay ka dhacay degmada Awdheegle.