Sawirro:-Taliyaha Cusub ee Qaybta 21aad Ciidanka xooga dalka oo gaaray Cadaado

S/Guuto Yuusuf Maxamed Cabdulqaadir “Kaanti” Taliyaha Cusub ee Qaybta 21aad oo uu la socdo Taliyihii hore ee Qaybta Gen. Cabdullaahi Aadan Xuseen “Cirro” ayaa  gaarey Magaalada cadaado oo Xarun ku meel Gaar ah u ah Taliska waxaana garoonka Diyaaradaha ee Cadaado ku soo dhoweeyay Saraakiisha kala duwan ee Qaybta 21aad.

Taliyaha cusub ee Qaybta S/Guuto Yuusuf Maxamed Cabdilqaadir ayaa salaan ka qaatey Cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka qaybta 21aad waxaana intaa kadib loo  gelbiyay Dhismaha Taliska qaybta oo ku yaala Gudaha Magaalada Cadaado.

Taliyihii hore ee Qaybta 21aad Gen. Cabdullaahi Aadan Xuseen oo soo dhoweeyay Taliyaha cusub ee dhowaan lasoo magacaabey S/Guuto Yuusuf Cabduqaadir ayaa u sharaxey qaabka ay u shaqeeyaan Guutooyinka iyo ururada Qaybta iyo howlaha hadda Socda wuxuuna intaasi raaciyey in maalmaha soo socda ay qaban doonaan munaasabad uu xilka ku wareejinayo .

S/Guuto Yuusuf Cabdilqaadir oo ah Taliyaha cusub ee Qaybta ayaa u mahad celiyay Saraakiisha iyo askarta soo dhoweysay wuxuuna u balan qaadey wadashaqeyn Wanaagsan iyo In qof walba lagu ixtiraami doono Howsha uu qaranka u hayo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor