Boqolaal tahriibayaal ah oo lagu la’yahay Xeebaha dalka Talyaaniga

Ciidamada Badda dalka Talyaaniga ayaa inta u dhaxeysa Xeebaha dalalka Liibiya iyo Talyaaniga  ka baadi goobaya Dooni ay saarnaayeen dad tahriibayaal ah oo mudo saacado ah ku dhex maqan Xeebaha Talyaaniga iyo Liibiya.

Saraakiil u hadashay dowladda Talyaaniga ayaa waxa ay shegeen in doontaas ay saarnaayeen in ka badan 100,tahriibayaal ah kuwaas oo aan weli lahelin balse ay ku rajo weyn yihiin in saacadaha soo socdo in ay soo bad baadiyaan.

Muhaajiriintaan ayaa la sheegay in ay yihiin badankood kuwo u dhashay Qaarada Afrika,islamarkaana ay ka soo bexeen dalka Liibiya iyagoo doonaya in ay tagaan dalka Talyaaniga kadibna uga sii gudbaan Qaarada Yurub inteeda kale si ay uga shaqeestaan.

Ciidamada Ilaalada Xeebaha dalka Talyaaniga ayaa dhowr mar soo badbaadiyay kumanaan muhaajiriin ah kuwaas oo qaarkood geeriyooday,waxana hada Saraakiisha Ciidamada talyaaniga ay rajeynayaan in ay ku guuleestaan badbadinta dadkaas.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media