Sawirro:-Booliska Soomaaliya oo Muqdisho ku toogtay rag hubeysan

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay howlgal gaar ah ka sameeyeen Isgoyska Buur Cali Janaale oo ah mid kala qeybiya degmooyinka Kaxda iyo Dharkeenley,iyaga oo ku baadi goobayey rag burcad ah oo dadka dhac u geysanayey.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen in intii ay howlgalka ku jireen ay toogteen laba nin oo hubeysan oo dhac u geysanayey dadka ku safrada Wadaad,sidoo kale ay gacanta ku dhigeen Sideed kale.

Goobta howlkaasi laga fuliyay waxaa kormeeray Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) isagoo u mahadceliyay Ciidamada howlgalkaasi fuliyay ee ka hortagay dhibaatada shacabka lagu haayay.

Afhayeenka Ciidanka booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in howlgalka sidii loogu talo galay uu u dhacay,isla markaana ay Shacabka ka dul qaadeen Burcad dhibaato ku heysay.

Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil Cabdullaahi waxa uu sheegay in shacabka iyo maamulka degmada ay dhibaata ku qabeen kooxaha burcadka hubeysan.

kormeeray guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada maamulka Gobolka Banaadir mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Tuulax) ayaa dhankiisa tilmaamay in maamulka gobolka Banaadir uusan u dulqaadan doonin wax kaste oo caqabad ku ah amniga Caasimadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor