Waxaa Maanta oo Isniin ah maamulada Puntland iyo Somaliland ay is-dhafsadeen Maxaabiis ay ku kala qabsadeen dagaalkii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.
Maxaabiistaan ayaa Puntland iyo Somaliland waxaa u kala wareejiyay hay’adda ICRC,taasi oo garoonka diyaaradaha Cigaal International Airport ee Magaalada Hargeysa diyaarad gaar ah ka soo saartay 14 maxbuus oo Puntland laga qabsay,isla markaana la keenay Magaalada Garoowe.
Sidoo kale hay’adda ICRC ayaa Saddex askari oo ay gacanta ku hayeen Puntland diyaarad uga soo qaaday Garoonka Gen. Abshir Muuse ee Garoowe,kuna geysay Magaalada Hargeysa.
Dagaalkii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa Puntland ku qabatay 19 askari oo ka tirsanaa Ciidamada Somaliland,hayeeshee markii dambe la siiyay 16 kamid ah Maxaabiistaas,halka saddex kalena Maanta la daayay.
Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ku dhexmaray dhowr jeer oo horey dagaallo geystay Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.