Golaha Iskaashiga oo taageeray mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo

War qoraal ah oo ay soo saareen Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyada ayaa waxa ay walaac uga muujiyeen xaalada Siyaasadeed ee xillgaan dalka,iyaga oo sidoo kale taageeray mooshinka Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ka gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Goluhu ay soo dhaweynayaan Go’aanka Xildhibaanada ay uga gilgisheen Siyaasada guracan oo ay sheegeen in uu hormuud ka yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay ugu baaqeen Xildhibaanada inay gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah,isla markaana ay si waafqsan Dastuurka dalka u maraan.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay Dowlad Goboleedyada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor