Kalluumeysatada Kenya oo looga mamnuucay inay ka jilaabtan xuduud-baddeedka Somalia

Dowladda Kenya waxay sheegtay inay sababo dhinaca ammaanka awgiisa u mamnuucday dhamaan Dhaqdhaqaaqyadda Kalluumeysiga ee ka baxsan Xeebta meel ku dhow Xuduud-baddeedka Somalia

Taliyaha Boliska  Gobalka Laamu ee dalkaasi, Joseeph Kanyiri ayaa sheegay in dhamaan Kalliimeystadda Kenyanka laga wada mamnuucay inay u kalluumeysi tagaan Raas Kambooni iyo deegaanadda kale ee ka baxsan Degmadda Kiungo iyo dhamaan deegaanadda ku dhereran xuduudka Somalia iyo Kenya.

Joseeph Kanyiri oo Wareysi Khaas ah maanta siiyey Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi waxa uu ku celceliyey in sababo dhanka ammaanka loo mamnuucay in loo kalluumeysi tago xuduud-baddeedka Somalia.

Waxa kale oo uu sheegay in la xiri doono qof kasta oo u dhawaada  goobaha la mamnuucay, isagoo sheegay ina goobaha ku teedsan Xuduudka ay ka dhacaan shilal lagu tahriibinayo Dadka, Badeecadaha Kontorbaanka iyo Daraagiska.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media