Wasiirka Wasaarada Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay Xariga Sheekh Muthtaar Roobow,kaasi oo laba maalin kahor laga soo xiray Magaalada Baydhabo.
Waxa uu sheegay Wasiirka in Roobow dowlada Soomaaliya ay ka qabatay Magaalada Baydhabo,isla markaana maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uusan wax shaqo ah ku laheyn qabashada iyo xariga Sheekh Muthtaar.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dowlad goboleedka koonfur galbeed uu yahay maamul hoostaga Dowlada Federaalka Soomaaliya,isagoo sheegay in aysan jirin colaad u dhexeeysa Dowlada iyo maamulkooda.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay Ugaas Xasan in uusan jirin Xeer Koonfur Galbeed u yaalla oo ku aadan qabashada dadka ay dowlada dhexe u baahan tahay ee ku nool deegaanada Koonfur Galbeed.
Hadalkan ayaa ku aadaya xili laba maalin kahor Ciidamada Itbooiya Magaalada Baydhabo ay ka soo xireen Sheekh Mutkhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya,isla markaana la keenay Magaalada Muqdisho.
Hoos ka dhageyso Codka Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed.