Qoraal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa waxay ku sheegeen inay bixiyeen Oggolaanshaha Dibdbax maanta lagu gubi doono Nuqul ka mid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka.
Wargeyska Maxaliga ee The Goteborgs-Posten newspaper ayaa qoray in Dibadbaxa lagu gubayo Qur’aanka Kariimka (A Quran-burning rally) uu galabta oo Jimco ah ka dhici doono magaalladda Malmö ee Koonfurta dalkaasi.
Dhinaca kale, Boliska Sweden ayaa waxay sheegeen inay heleen Codsiyo la mid ah Dibadbaxyadaasi oo kale, kuwaasi oo dhici doono maalmaha Sabtida iyo Axadda ee Isbuuca soo socda.
Dibadbaxyadaasi Xadgudubku ku ah Islaamka ayaa waxa uu dhici doonaa hal maalin ka hor marka uu Tartanka Heesaha The Eurovision Song contest ka dhici doono Fagaaraha Gustav Adolf Square ee Bartamaha magaalladda Malmö ee dalkaasi.
Bilowgii Isbuucan, Haweeney ayaa la sheegay inay meel Fagaare ah ku gubtay Nuqulka Kitaabka Qur’aanka Kariimka, iyadoo ay Boliska Swedish ilaalo iyo Badbaadin Khaas ah siiyeen Haweeneydaasi.
Falalka Xadgudubka ee lagu gubayo Nuqulka Kitaabka Qur’aanka Kariimka ma aha Xadgudub ku cusub dalka Sweden, iyadoo ay Falkaasi horey u geysteen Siyaasiga Xag-jirka ee Rasmus Paludan ee haysta Dhalashada Swedish iyo Danish iyo Salwan Momika oo ah Qaxooti Iraqi.
W/Q: Ustaad Nuuradiin