Baraha Bulshada ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay lagu faafiyay warar sheegaya in Magaaalada Garoowe laga helay qof qaba Cudurka Coronavirus, hayeeshee Maamulka Puntland ayaa ka hadlay arrintaas.
Wasaaradda Caafimaadka maamulka Puntland qoraal ay soo saartay ayaa waxaa ay ku been abuur ku tilmaamtay wararka la faafiyay ee sheegaya in qof qaba Cudurka COVID-19 laga helay Garoowe ee Caasimadda Puntland.
Sidoo kale Maamulka Puntland ayaa dadka faafiyay wararkaas ugu digay inay joojiyaan beenta loo sheegayo dadka, iyagoona tilmaamay in hadii ay joojin waayan sharciga la teegsan doonaan.
“Ma jiraan illaa hadda wax xaalad la xiriirta COVID-19 oo ay Wasaarada Caafimaadka DPL ay xaqiijisey Dadka baahinaya warka been abuurka ee ku saabsan cudurka COVID-19 waxaa looga digayaa inay joojiyaan haddii kalena sharciga lala tiigsan doono” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda Caafimaadka.
Ugu dambeyn Maamulka Puntland ayaa dadweynaha ku dhaqan deegaanadooda ugu baaqay inay xogta ku saabsan cudurka COVID-19 ay ka qaataan illaha munaasibka ah sida Wasaarada Caafimaadka maamulkaas.