Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan, isagoo mid Cusub u magacaabay.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare ayaa waxaa Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan loogu Magacaabay Cali Jeyte Cismaan, isagoo bedelaya Guddoomiyihii hore ee Gobolkaas Cali Muxumed Caraale.
Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan ayaa waxaa la faray in xaaladda Caafimaad ee dalka ka jirta awgeed inuu si Degdeg ah u howlgalo, isla markaana ay la shaqeeyaan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Duqa Baladweyne.