Madaxwayne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa shir ku dhacay habka fogaan aragga la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee James Swan.
Kulankaan dhexmaray Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland iyo James Swan ayaa waxaa looga hadlay doorashada dalka iyo arrimaha la xiriira doorashada 16-ka kursi ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland Magaalada Garbahaarey.
Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa Maamulka Jubbaland ka dalbaday in wada-hadal lagu dhammeeyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada 16-ka kursi ee Garbahaarey, isla markaana doorashada sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto.
Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxaa kulankaan ku wehlinaayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland iyo qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Baarlamaanka 11-aad, waxaana la sheegay in kulanka Is-afgarad uu ku soo idlaaday.
Habeeno kahor ayey aheyd markii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu sheegay inay diyaar u yihiin qabashada doorashada kuraasta Garbahaarey, wuxuuna caddeeyay in aysan macquul aheyn qorshaha Beesha Caalamka ku dooneyso in Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Farmaajo ku kala qeybsadaan Xildhibaanada Gedo.