Wafdiga Xal raadinta ee Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo gaaray Baydhabo

Waxaa Goordhow Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay gaaray Guddoomiyaha Guddiga doorashiooyinka heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka ambabaxay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Guddoomiye Muuse Geelle oo safarka ku wehlineyso Wasiirka Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Shaati Guduud kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal Muuse Geelle ayaa kulamo kala duwan oo xal raadin ah la qaadan doona Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, si loo xaliyo tabashada ay doorashada ka qabaan Maamulkaas.

Guddoomiye Muuse Geelle ayaa dadaal badan gelin doona sidii Koonfur Galbeed u soo fasixi laheyd Xildhibaanada labada Aqal ee lagu doortay deegaankaas, si ay u qaatan shahaadada Xildhibaanimo, ayna uga qeyb galaan Munaasabadda dhaarinta oo berri dhaceysa.

Illaa 73 Mudane oo ka soo jeeda Koofur Galbeed ayaa ku sugan Baydhabo, kuwaasoo aan qaadan shahaadada FEIT, iyagoo ka soo horjeeda in Saddex ka mid ah Xildhibaannada laga soo doorto uu dhowaan Guddiga doorashada FEIT uu waxba kama jiraan ka soo qaadat natiijadooda doorashada, iyagoona go’aamiyay in dib loogu celiyo doorashada.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyay inuu isbaaro u dhigtay Xildhibaanada KGS, taasina aysan aqabli doonin, waxaana weli socda dadaalo kala duwan oo lagu xalinayo tabashada Koonfur Galbeed oo uu wado Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo ku sugan Baydhabo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor