Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay ee Gobolka Jubbada dhexe

Wararka ka imaanaya Degmada Bu’aalle ee Gobolka jubbada dhexe ayaa waxa y sheegayaan in xalay fiidkii diyaarado dagaal ay duqeymo ka geysteen halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Al Shabaab .

Dhowr diyaaradood ayaa la sheegay in duqeymo ay ka fuliyeen degmada,isla markaana sababtay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dad deegaanka Degmada ee gobolka jubbada dhexe ayaa sheegay in xalay fiidkii ay maqleen jug culus oo duqeyn ah, taasi oo ku dhaceysa saldhigo Al Shabaab ay ku leeyihiin gudaha degmada Bu’aalle.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeymihii xalay ka dhacay Degmada Bu’aalle ee Gobolka Jubbada dhexe halkaasi oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.

Inta badan duqeymaha ka dhaca Gobolada jubooyinka ayaa waxaa fuliya diyaarado dagaal oo ay leeyihii dowladaha Mareykanka iyo Kenya.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor