Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda uu ku geeriyooday qarax ka dhacay Sh/Hoose

Sarkaal iyo laba askari ayaa dhintay, halka dhaawac uu soo gaaray lix askari, Sarkaalka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi, wuxuuna ka mid ahaa Saraakiisha dhawaan dalacday.

“Meel ku dhaw Wanlaweyn ayaa waxaa ka dhacay qarax miino, waxaana ku geeriyooday qaraxaasi saddex askari oo mid sarkaal yahay, lix kalena waa ay ku dhaawacmeen, Sarkaalka waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Siciid Oomane, Saraakiisha la dalacsiiyay ee Danab ka tirsanaa ayuu ahaa.” Ayuu yiri Maxamed Cabdi Siciid (Oomane).

Al Shabaab ayaa badanaa wadada xiriirisa Afgooye iyo Ballidoogle, waxa ay ku aasaan qaraxyo miino, si ay ugu waxyeeleeyaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Amisom ee wadadaasi isticmaala.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor