Warbaahainta Dowladda Syria ayaa saakayto sheegtay inay Diyaarad nooca Drone-ka oo ay leeyihiin Isbahaysiga Maraykanka duqeeyeen Saldhig Milliteri oo ku yaalla Degaanka Al-xara oo dhanka K/bari kaga toosan magaalladda Albu Kamaal oo u dhow xuduudka Iraq.
Ilo dhinaca Milliteriga ayaa sheegay in dad lagu dilay, laguna dhaawacay duqeyntaasi, balse,  Afhayeenka Taliska Dhexe ee Milliteriga Marayknaka, Gaashaanle Josh Jacques oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS waxa uu beeniyey arrintaasi.
Dhinaca kale, Ciiddan Maraykan ayaa waaxay saldhig ku leeyihiin Degaanka TANAF oo K/galbeed kaga toosan magaalladda Albu Kamaal ee Lama-degaanka Syria, una dhow Xuduudka dalalka Iraq iyo Urdun.