Horaantii toddobaadkan, Hindiya ayaa weerar gantaallo ah ku qaaday sagaal goobood oo gudaha Pakistan ah, iyadoo jawaab uga dhigtay weerar ay laba toddobaad ka hor kooxo mintidiin ah ku dileen 26 dalxiisayaal Hindi ah gudaha Kashmir. Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in bartilmaameedku uu ahaa “kaabayaasha argagixisada,” iyadoo xustay in lagu dhuftay masaajidka Subhan Allah ee Bahawalpur, halkaas oo la sheegay in loo adeegsado qorista iyo tababarka dagaalyahannada.
Weerarka waxaa si gaar ah loogu eedeeyay kooxda xagjirka ah ee la mamnuucay Jaish-e-Mohammed (JeM), oo masaajidka u isticmaalaysay xarun hawlgal. Hoggaamiyaha kooxdaas, Mascuud Azhar, ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay xubno badan oo qoyskiisa ka mid ah.
Waa Kuma Mascuud Azhar?
Mascuud Azhar, oo ay Qaramada Midoobay u aqoonsatay argagixiso, waxa uu ku dhashay 1968 magaalada Bahawalpur ee Pakistan, kuna koray qoys diin u janjeedha. Waxbarashadiisa diimeed wuxuu ku qaatay jaamacado ku yaalla Karachi, isagoo markii dambe macalin ka noqday xarun diini ah.
Wuxuu sanadkii 1989 ka qeyb galay dagaalkii Afgaanistaan, kadibna wuxuu bilaabay inuu ku baaqo rabshado ka dhaca meelo badan oo Pakistan ah. Azhar waxa uu qoray in ka badan 30 buug oo ku saabsan jihaadka iyo fikirka xagjirka ah, wuxuuna sanadkii 1990 daabacay majaladda “Sada al-Mujahid”.
Sanadkii 1994, Azhar ayaa lagu xiray Kashmir oo ay maamusho Hindiya, isaga oo lagu tuhunsanaa falal argagixisanimo. Magaciisu wuxuu si weyn u baxay 1995, markii la afduubtay dalxiisayaal ajnabi ah oo afduubayaashu dalbadeen in la sii daayo Azhar. Dowladda Hindiya way diiday, waxaana la rumeysan yahay in shan ka mid ah la dilay.
Si kastaba, December 1999, diyaarad Air India ah oo la afduubay ayaa loo duuliyay Kandahar, halkaas oo Taliban maamuleysay. Si loo sii daayo 155 rakaab ah, afduubayaashu waxay ku guuleysteen in Azhar iyo laba kale lagu sii daayo.