Isbahaysiga Maraykanka oo la sheegay inay duqeeyeen Saldhig ku yaalla Syria.

Warbaahainta Dowladda Syria ayaa saakayto sheegtay inay Diyaarad nooca Drone-ka oo ay leeyihiin Isbahaysiga Maraykanka  duqeeyeen Saldhig Milliteri oo ku yaalla Degaanka Al-xara oo dhanka K/bari kaga toosan magaalladda Albu Kamaal oo u dhow xuduudka Iraq.

Ilo dhinaca Milliteriga ayaa sheegay in dad lagu dilay, laguna dhaawacay duqeyntaasi, balse,  Afhayeenka Taliska Dhexe ee Milliteriga Marayknaka, Gaashaanle Josh Jacques oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS waxa uu beeniyey arrintaasi.

Dhinaca kale, Ciiddan Maraykan ayaa waaxay saldhig ku leeyihiin Degaanka TANAF oo K/galbeed kaga toosan magaalladda Albu Kamaal ee Lama-degaanka Syria, una dhow Xuduudka dalalka Iraq iyo Urdun.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media