Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Dr. Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii dowladda Qatar ay gacan uga geysan lahayd horumarinta amniga, dhaqaalaha, iyo hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee NTP 2025–2029.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar doorkeeda muuqda ee ku aaddan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.
Danjire Dr. Al Nuaimi ayaa dhankiisa xaqiijiyay in Qatar ay sii wadi doonto garab istaagga ay u fidiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in iskaashiga labada dal uu yahay mid sal adag ku fadhiya.