Dadka Soomaaliyeed badankood ma isticmalan fiitamiinnada sabab la xariira in aysan helin wacyi gelin ku filan oo ku saabsan muhiimada fiitamiinnada. Intooda badan ma oga heerka fiitamiinnada jirkooda ka maqan, taas oo u keeni karta dhibaatooyin caafimaad.
aar ka mid ah dadka ku nool magaaladda Muqdisho ayaan weyddiinnay in ay isticmaalaan kiniinada fiitamiinnada.
Cumar said oo ka mid ah dhallinyarta ku nool magaaladda Muqdisho ayaa dhahay;
“ Wax fiitamiinnad ah ma qaato, sababto ah wax walbo waxa laga raadiyaa ganacsi. Welina la ima soo qorin in aan u baahnahay fiitamiinno.”
Ka mid ah arday caaafimaadka barata oo Bilan Media la hadahsya ayaa iyana dhahday;
“Horta mar wan qata marna ma qaato, dabcan fiitamiinniska sababto ah haddaan Soomaali nahay badanka manaqaaano faa’iidooyinka kooda haddan ogaan lahayn faa’iidooyinka fiitamiinnisku leeyihiin waan qaadalahayn. Waxa aan ahay qof caafimaadka barata waanan ku baraarugsanahay muhiimada ay leedahay in la qaato fiitamiinnada.”
Abdiqaadir Xaaji oo da’ ahaan jira 70 sanno ayaa dhahay waxa aan jiifay ku dhawaad afar sanno, sababa la xiriira fiitamiin la’aan. “ Waan xanuunsaday afar sanno ayan sariir jiifay lugaha ayaan ka ka socon waayey, isbitaalka ayaa la ii geeyay waxana la isoo qoray daawada fiitamiin D ga la dhaho. Markii aan qaatay waan ku caafiimaaday oo hadda dib ayaan cagahayga ugu socda.”
kale waxa aan wax ka wayddiinay muhiimada ay leedahay in qofku ogaado ama qaato fiitamiinnada Dr.Nuura Muumin.
“Fiitamiinska iyo mineraalisku waa wax yabahaa uu jiirkeennu sameeyo si dabiici ahaana jiirka ugu jiira, xad ayay leeyhiin qofka waa ay ku badnan karaan ama waa ku yaran karaan mar walba oo uu qofka ku bataan ama ku yaradaan caqabad ayaa ay caafiimaadkeenna ku leeyhiin in kasta oo badana ay uu badan tahay in ay jiirkeenna ku yar yihiin madama qofka Soomaaliga ah aannu cunayn cunno isku dheelitiran.”
Waxa ay intaas sii raacisay; “Qofka marka jiirkiisa fiitamiinska ku yar-yahay wuxuun keenni kara caqbado fara badaan, sida in uu dareemo daal faara badaan, ,madax xanuun joogto ah, lafo xanuun ,murqo xanuun, hurdada oo ku yaraata, iyo wel-wel badan.”
Bulshadeennu kuma baraarugsana inu qofka dhaho xaaladan ayan dareemaya fiitamiinnada ayaa ku yar ama ka maqan isma oranayaan oo badan ma amiinsaana in yar oo wax baratay maahane.” ayaa ay tiiri Nuura muumin
Fathi Hassan, Bilan Media