Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa wadajir u soo xiray tababar socday ciidamo ka tirsan Daraawiishta. Tababarkaan ayaa lagu baray ka hortagga falalka lidka ku ah ammaanka iyo sida loo wajaho alshabaab, iyadoo lagu tababaray shuruucda iyo xirfadaha Booliiska si loo ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta inta lagu jiro howlgallada.
Masuuliyiinta ayaa sidoo kale kala wareegay gaadiid iyo agab ciidan oo loogu talagalay ciidamada la tababaray, kuwaas oo kaalmeyn doona hawlgallada amniga ee ka socda dalka. Tababarkan waxaa taageeray howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUCAP), wuxuuna qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda ciidamada booliiska ee Soomaaliya.