In ka badan 130 qof ayaa ku geeriyootay Dhul-gariirkaasi oo xalay ka dhacay Labadaasi dal, sida ay sheegeen Warbaahinadda Labadaasi Dal.
Dhul-gariirka oo xoogiisu dhamaa 7.3 Halbeegga REKTERKA ee Qiyaasta Dhul-gariirka ayaa waxa uu khalkal ku abuuray dadka ku nool Deegaanada uu ku dhuftay.
Telefishinka Dowladda Iran ayaa sheegay inay ugu yaraan 120-qof ku geeriyootay Dhul-gariir ka dhacay Gobalka KERMANSHASH oo u dhow Xuduudka Iraq.
Guddoomiye-ku-xigeenka Maamulka Gobalkaasi oo lagu magacaabo MUJTABA NIKERDER ayaa sheegay inay in ka badan 60 qof ku geeriyootay Degmadda SARPOL AZAHAB oo 15 KM u jirta Xuduudka Iraq.
Dhinaca kale, ugu yaraan 4 qof ayaa ku geeriyootay, 40-kalena wey ku dhaawacmeen dhul-gariir ku dhuftay qeybo ka mid ah Gobalka Kurdistaan ee Waqooyiga Iraq.
Saraakiisha Caafimaadka ee Gobalkaasi ayaa sheegay inuu Khasaaraha ugu xooggan ka dhacay DegmaddaDARBANDIKHAAN oo 75 KM dhanka Bari kaga toosan magaalladda SULEYMAANIYAH.