Shaqsi la sheegay in uu ku hubeysnaa Toorey ayaa Haweeneey waxa uu ku dilay deegaanka Bitaale ee Duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee Mamulka Galmudug.
Macada sababta uu u dilay Haweeneyda Allaha u naxariistee oo lagu Magacaabi jiray Booto Faarax Cabdi Shaqsiga watay tooreyda.
Cali Faarax Cabdi oo la dhashay Haweeneyda la dilay oo sigaar ah ula hadlay Dalsan ayaa sheegay in Walaashiis Gurigeeda loogu tegay laguna dhex dilay halkiina ay ku geeriyootay.
Waxa uu sheegay in ilaa iyo hadda aan la ogeyn sababta uu u dilay Ninkaas iyada oo iska aheyd qof Guri joogta ah da’deeduna aheyd 70 jir.
Mar aan weeydiinay Su’aal aheyd in Shaqsigaas uu xoogaa xanuunsanayay ayaa waxa uu sheegay in haba yaraatee uusan qabin wax xanuun ah isla markaana uu ahaa qof caafimadqabay.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Ninkii dilkaasi ka dambeeyay Gacanta lagu dhigay sidaasna Walaashiis lagu aasay.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Cali Faarax Cabdi oo u Waramay Wariye Cabdu qaadir Jakaarta.