Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mudo ka dib go’aamisay in ay yeelato Hal Afhayeen kaas oo ka hadli doona go’aanada kazoo baxa dowladda Soomaaliya,isal markaana Shacabka u soo bandhigi doono.
Afhayeenkii Wasaaradda Amniga ee maalma ka hor xilka laga qaaday Cabdi Casiis Cali Ibraahim Xildhibaan ayaa xilli uu la hadlayey Dalsan waxa uu sheegay in loo keenay Warqad xilka looga qaadayey,laguna wargeliyey in go’aanada dowladda uu ka hadli doono kaliya Wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle.
Tani ayaa qeyb ka ah hab maamulka Cusub oo ay la timid dowladda hadda jirta,waxana dadka siyaasada indha-indheeya ay sheegeen in dowladda hadda jirta ay dowladihi hore kaga wanagsan tahay habka Warfaafinta,isla markaana isbedel uu ka jiro Madaxtooyada Soomaaliya.
Dowladihii hore ayaa waxa ay lahaayeen Shaqsi ku magacaabay Afhayeenka Dowladda balse dowladda Federaalka Soomaaliya tan iyo markii la dhisay majirin Shaqsi loo Magacaabay Afhayeenka Dowladda,marka laga reebo Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir.
Maamlmo ka hor ayaa waxaa Wasiirka Warfafinta uu Akhriyey Wareegto xilka looga qaadayey Wasiirkii Awqaafta iyo arrimaha Diinta,isaga oo sidoo kale faah faahiyey khasaarihii ka dhashay weerarkii lagu qaaday Xarunta Otta Otta oo ay degan yihiin Wasaaradaha Amniga iyo Gudaha.
Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenkii Wasaaradda Amniga.