Iiraan oo hanjabaad Cusub u dirtay dowladda Mareykanka

Milatariga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa Mareykanka ku eedeeyay inay “Ficilladii shirkadda filimada ee Hollywoodka ku wo u eg” ka dhigeyso arrin isbuucii hore ka dhacday biyaha Khaliigka.

Mareykanka ayaa markii hore sheegay in maraakiib dagaal oo ay Iiraan leedahay ay fuliyeen tallaabo “dhibaateyn ah” kaddib markii ay Arbacadii aad ugu dhawaadeen 6 markab oo ay leeyihiin iyagu.

Laakiin ciidanka Iiraan ayaa sheegay in ay kordhiyeen roondada ay ka sameeyaan biyaha Khaliijka kaddib markii ay maraakiibta dagaalka ee Mareykanka hotaantii bishan wadadda ka hor istaageen markab ay Iiraan leedahay.

Xiisadda u dhaxeysa labada waddan ayaa sare u kacday kaddib markii uu Mareykanka bishii January dalka Ciraaq ku dilay janaraal u dhashay Iiraan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media