Madaxweyne Axmed Madoobe oo Maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland kadib safar shaqo oo maalmahii lasoo dhaafay uu ku joogay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Madaxweynaha ayaa Inta uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho ka qeybgalay shirkii madasha wadatashiga qaranka ee dhawaan lasoo gaba gabeeyay, kaasi oo dhexmaray madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada.

Sidoo kale inta uu ku sugnaa caasimadda, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka, isla markaana waxaa uu kala hadlay arrimaha Jubbaland iyo howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan kusoo dhaweeyay qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowlada oo u hormuud u ahaa Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor