Waxaa Goordhow si rasmi ah Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho uga furmay Kulanka Xildhibaanda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,kaasi oo Albaabadu u xiran yihiin.
Xildhibaanada ayaa Kulanka Maanta waxa ay Su’aallo la xiriira xaalada amniga dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho ku weeydiin doonaan Mas’uuliyiinta Hay’adaha amniga dowladda,kadib markii Muddooyinkii dambe ay ka dhaceen Magaalada falal amnidarro xun.
Warar Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Xarunta Golaha Shacabka ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas ay ku sugan yihiin Wasiirada Amniga, Difaaca iyo Taliyeyaaha Ciidamada Millateriga, Booliska, Asluubta,waxaana sidoo kale ku sugan kusimaah Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
Sidoo kale Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in kulanka Maanta uu yaha mid aad u adeg,isla markaana Saaxafada ay dib joog ka tahay.