Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa si kulul uga hadlay hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaasi oo ahaa in Raashinka qutul duruuriga ee yaalla Puntland aan la geyn karin meelo kale.
Guddoomiye Cali Jeyte oo shir Jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Baladweyne ayaa waxaa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay hadalka kasoo yeeray Madaxweyne Deni, iyadoo xiriir wanaagsan uu ka dhexeeyo Ganacsatada Puntland iyo kuwa gobolada dhexe gaar ahaan kuwa ku sugan Gobolka Hiiraan.
Waxaa uu sheegay Guddoomiye Cali Jeyte in hadii uusan ka laaban hadalka Madaxweyne Deni uu sheegay in Maamulka Gobolka Hiiraan uu qaadi doono tallaabo adeg oo ku aadan dhinaca Ganacsiga ah.
Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha ayuu tilmaamay in Canshuur kordhin ballaaran ay ku sameeyn doonaan Khudaarta iyo Xoolaha Hiiraan looga qaado deegaanada Puntland, wuxuuna xusay in sheey kasta oo Khudaarta ah ee aada Puntland ay ku Canshuuri doonaan 20 dollar.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in muhiim ay tahay in Is-barbar dhig lagu sameeyo Ganacsiga ka jira Hiiraan iyo kan Magaalada Boosaaso, isagoo sheegay Gobolka Hiiraan deegaano ka tirsan Puntland looga qaado Khudaarta iyo Caanaha.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa waxaa uu sheegay in aysan kala maarmin ummadda Soomaaliyeed oo ay walaalo yihiin, isla markaana aduunka uu jiro Ganacsiga oo ay shaqeynayaan Maraakiibta Ganacsiga, hayeeshee uu jiro oo kaliya Cudurka Coronavirus.