Maxkamadda Calaamiga ee Dembiyadda Dagaalka ee ICC ee magaalladda The Hague ee dalka Holland waxaa la filayaa in maanta la soo taago Hoggaamiye Kooxeed lagu magacaabo Bosko Nataganda, kaasi oo loo haysto Dembiyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha.
Hoggaamiye-kooxeedkaasi hore waxaa lagu eedeynayaa inuu Ku-xigeen u ahaa Maleeshiyo horey Gobalka Ituuri ee dalkaasi ka geysatay Kufsi, dilal iyo carruurta oo ay dagaal-gelin jireen.
Eedeysanaha oo 45 jir ah waxay dacwadiisa ka bilaabantay Maxkamadda ICC 9 sanno ka hor, kadib, markii ay Maxkamaddu amartay in la soo xiro sannadkii 2006-dii.
Maxkamaddu waxay la xiriireen in ka badan 2,000 oo Dhibanayaal u ah Hoggaamiye-kooxeedkaasi oo sannadkii 2013-kii isku dhiibay Safaaradda Maraykanka ku leedahay caasimadda dalka Ruwanda ee Kigali.