Guddoomiye Aadan Madoobe oo Digniin u diray Xildhibaanada Golaha Shacabka

Xildhibaanada Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah waxaa lagu waday inay kulanoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta ay ku shaqeeyaan ee Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, balse kulankaasi ayaa baaqday.

Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa u baaqday sababo la xiriira kooram la’aan, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Golaha Sheekh Aadan Maxamuud Nuur Madoobe oo farriin u adag u diray Xildhibaanadii soo xaadiri waayay kulankii baaqday.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ee aan soo xaadirin fadhiyada Golaha ka dalbaday inay gutaan waajibaadkooda shaqo ee laga doonayo, isagoona sheegay in uusan yeeli doonin habdhaqanka Xildhibaanada.

Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray Guddoomiye Aadan Madoobe in Xildhibaanada iska maqana lala xisabaatami doono, isla markaana uu qaadayo tallaabo, uusana dooneynin in sharciga lagu tunto.

“Sidaan haddii uu kusii socdo Baarlamaanka ma shaqeyn karno. Xildhibaanada waxaan u sheegayaan inay ka waantoobaan inay ka maqnaadaan shaqada, Ma’aha in sharciga innoo yaallo lagu ciyaaro, waxaana dirayaan farriintii u dambeysay,” ayuu yiri.

Ajendaha kulankii baaqday ee Golaha Shacabka ayaa waxaa uu ahaa Akhrinta koowaad ee Hindise sharciyedka Hey’adda Sirdoonka oo khamiistii lasoo dhaafay ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor