Golaha Shacabka oo Ansixiyay wax ka badal lagu sameeyay Sharciga Saxaafada

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Xaruntooda ku yeeshay kulankooda 24-aad ee kalfadhiga 5-aad,iyadoona kulan uu ku furmay 140 Mudane.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa Akhrinta 3-aad ee Wax ka Badalka Sharciga Saxaafadda.

Intaasi kadib Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Meelmariyay wax ka badal lagu sameeyay Sharciga Saxaafada,iyagoona Cod gacan taag ah u qaaday Sharcigaas.

139 Xildhibaan ayaa ansixiyey in wax ka badal lagu sameeyo Sharciga Saxaafada, 1 Xildhibaan ayaa ka aamusay,isla markaana ma jirin wax diiday.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa ku dhawaaqay Natiijada Sharciga,isagoona ugu dambeyntii ku shaaciyay in la Meelmariyay wax ka badal lagu sameeyay Sharciga Saxaafada.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media